Sheeko!
Welcome, Guest
Please Login or Register.    Lost Password?
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 1aad (1 viewing) (1) Guest
Go to bottom Post Reply Favoured: 0
TOPIC: Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 1aad

#4
Faiza ()
User Offline Click here to see the profile of this user
Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 1aad 1 Year, 10 Months ago  
Ugu horeyn waxaan ku shugrinayaa Rabigii isiiyay awood iyo maskax aan wax ku qoro, Nabadgalyo naxariis Nabi Muxamed dushiisa Allah yeelo, isaga, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa dhamaantood.

Marka xigta sheekadaani waa mid aan maskax iyo waqti farabadanba u huray, inkastoo uusan Aadanuhu dhameystirneyn, hayeeshii intii karaankayga ah waxaan isku dayay in ay sheekadaan noqoto mid qalad la’aan ah oo anfaca dhamaan bulsha weynta xiisaysa aqriska sheekooyinka. Waxaan intii awoodeyda ah dhowray anshaxa iyo asluubta erayadii aan adeegsaday, waxaan si kooban uga hadlay wixii ku saabsanaa Jinsiga, waayoo af Soomaligu waa luqad hodan ku ah xishood iyo edeb.
Sheekadani waa dhacdo layaab leh oo ka dhacday Addis Ababa, kaliya waxa aan ka bedelay magacyadii dadkii ay ku dhacday qisadan xanuunka leh.
Ugu dambeyn dhacdadani yaysan noqon mid sawir qaldan ka bixisa dhamaan hablaha Soomaaliyeed ee quuddarenayo inay ubaqoolaan dibada, waa hubaal in hablaha Soomaaliyeed ay 99% yihiin kuwa dhowrsoon oo ku dhagan dhaqanka suuban iyo diinta Xaniifka ah, horey ayaa loogu heesay “Hadal waa margi oo kale hadba meel u jiidmee” Anigu waxaan marwalba waxkasta ka abaaray dhanka waanaga.

Yurub baan jiree Yaa uurka kuu yeelay Q.1aad

Yoonis iyo Yaasmiin waxay ahaayeen mataanayaal wadaa*** haruubka caashaqa, kadib markii ay noqdeen nin iyo ooridii, waxay si wada jir ah oo xamaasad iyo farxadba leh ugu dabaasheen badweynta caashaqa, mudo ayay ka dhursu***een dhibka iyo dheefta uu leeyahay Jaceyl dhab ah, waa hubaal in jaceyl kasta oo run ah ay ka horyimaadaan caqabado iyo imtixaano aad u fara badan, hadana ma doonayo inaan buuggan ku soo qaato waayihii jaceyl ay soo mareen laamaanayaashaan libinta u helay guur xalaal ah, waayoo wuxuu hadal kuba ku afjarmayaa inay heleen natiijo haboon oo ay niyad kasta naawilayso.
Horay ayuu abwaan u yiri “Dawadiisu waa Guur Deeqdiisu waa ubad” labadan is yeelatay waxay nasiib iyo hoodaba u heleen dawada Caashaqa oo ah guur iyo ubad oo lagu tilmaamo miraha quluubta Aadanaha, waxaa uu Rabbi kala siiyay Wiil iyo Gabar, dabcan farxada iyo rayn rayntaba waxay ahaayeen kuwa uu horayba ka dareemayo ruux kasta oo booqasho ugu tago Qoyskan qilaafka laga dhowray, edebta ka muuqatay labada sabi waxay astaan iyo hor u dhac u ahaayeen xushmada iyo xilkasnimada labada waalid.
Yoonis waxa uu ka shaqeyn jiray mid ka mid ah carwooyinka waa weyn ee ka furan magaalada Muqdisho, halka ay Yaasmiinna ka aheyd Hooyo guri joogto ah oo xanaaneysa caruurta ay dhashay, nolashoodu waxa ay aheyd mid sare, sababtoo ah Yoonis waxa uu qaadan jiray mushaar badan,
Waxaa kaloo ay taakulo joogta ah ka heli jireen Yoonis walaaladii oo kala joo*** Qaarada Yurub iyo Woqooyiga America.
Aqristow halkan markii ay arini mareyso ayaa waxaa sii batay qalaanqalkii iyo qalalaasihii ka jiray magaalada xamar, afduubka iyo dilalka micna la aanta ahna waxay noqdeen kuwo xad-dhaaf ah T.v yada iyo raadiyayaasha caalamkana waxay bilaabeen inay si toos ah uga hadlaan dhibaatooyinka ka aloosmay Muqdisho, rabshadahan ka soo ifbaxay Xamar waxay wal wal weyn ku beereen Yoonis walaaladii waxayna go’aan ku gaareen kadib kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen inay walaalkood ka dhoofsadaan magaalada, waxaa hoosta laga wada xariiqay in mid kasta oo iyaga ka mid ah uu bixiyo qeybtii ku soo aado qarashka, markii uu soo afmeermay kulan kooda ayay si wada jir ah u soo waceen Yoonis una faah faahiyeen ujeedadooda iyo go’aanka ay gaareen, isna kama maagin ee si fudud ayuu u gudoomay una soo dhaweeyay go’aankooda.

lasoco Q.2aad hadii eebo inoo ogolaado
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
#90
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 1aa 1 Year ago  
Fardous wrote:
QUOTE:

#101
safia ()
Click here to see the profile of this user
Birthdate:
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 1aad 11 Months, 4 Weeks ago  
hag hg
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
Go to top Post Reply
get the latest posts directly to your desktop